Regler / Sharciyada
Hoolalka waxaa ka mamnuuc ah gacan ka hadal, aflagaado, ka shaqeyn fawdo iyo isku dir.
Waa in la dhawraa waqtiga, la ilaaliyaa nadaafada iyo kala toosinta qalabka yaalo hoolka. Waxaa mamnuuc ah in la burburiyo qalabka yaalo hool kasta iyo hoolashaba, qofkii si ula kac ah u burburiya hoolka iyo qalabka yaala, isaga ayaa bixinaya magdhowga wixii u burburiyay. Qof waliba waxaa waajib ku ah inuu dhowro shuruucda, kuna bixiyo lacagta waqtiga loo qabtay ee kama dambeysta ah.
Tallaabada laga qaadayo qofkii u hogaamsimi waayo shuruucda
Hadii gacan ka hadal aad bilaabtid, waxaa laguug ganaaxayaa labo asbuuc inaadan ku ciyaari karin dhamaan hoolasha ay maamusho jaaliyada.
Hadii mar kale aad sameyso gacan hadal kale, waxaa laguugu ganaaxayaa qodobka koobaad iyo inaad la kulanto gudiga sport ga ee jaaliyada.
Hadii mar sedexaad aad sameyso gacan ka hadal, waxaa waayaysaa booskaagii sanadkaas, lacag laguu soo celinayana ma jirto.
Hadii aflagaado aad sameysay ay ka dhalato gacan ka hadal, waxaa lagu ganaaxayaa hal asbuuc inaadan kubad ku ciyaarin dhamaan hoolasha ay maamusho jaaliyada, iyo 100 krone.
Hadii mar labaad sameyso aflagaado, waxaa laguugu ganaaxayaa qodobka afaraad, hadii mar sedexaad sameysid aflagaado, waxaa siyaadaysa lacagta laguugu ganaaxayo oo noqonayso 300 krone.
Marka la ciyaarayo kubbada, hadii gacanta aad ku taabato kubada, waxa lagu ganaaxayaa 2 daqiiqo inaad ka baxdid ciyaarta.
Martida iskama imaan karaan ilaa aay fasax iyo amar ka helaan gudiga hoolka.
Martida lama ciyaar siin karo waxii ka badan 3 jeer.
Hadii aadan imaan karin ama aad xanuusatid ama aad fasax u baxeeyso soo wargali gudiga hoolka.
Howlaha garsoorka
Ciyaaraha waxaa garsooraya gudiga loo doorto garsoorka, hadii aysan gudan Karin hawshaas, waxaa garsoorayo ama dooranayo garsoore kooxda fadhisa. Garsooraha waxaa waajib ku ah inuu caddaalad sameeyo, muujiyaa dedaal dheeraad ah, si looga badbaado muran iyo is qabqabsi, garsooraha waa inuu la tashadaa kabtannada kooxaha, si looga fogaado fowdo. Garsooraha waa in la ixtiraamaa laguna caawiyaa inuu hawshiisa si wanaagsan u gutto, Go’aanka kama dambeysta ah waxaa leh garsooraha.
Masuuliyada hoolasha
Hoolasha waxaa maamulayaal ka ah xubnaha ay jaaliyada u wakiilatay ee loo dhiibay furayaasha, dhamaan xubnaha ku ciyaaraya hawlashaas, waxaa la farayaa inay la shaqeeyaan masuuliyiinta hawlasha, kuna ixtiraamaan masuuliyada ay hayaan. Lacag bixinta
Qiimaha laga qaadayo dhalinyarada waa 300 krone.
Qiimaha laga qaadayo dadka waaweyn waa 500 krone.
Politi
Qofkasta oo ixtiraami waaya sharciyada hawlasha, waxaa sharciga noo ogolyahay inaan politi ku wargelino, waana tilaabada u danbeysa ee aan qaadanayno.
Aqbalaad/Ogolaansho
Waxaan akhristay oo fahmay sharciyada ku qoran warqadaan. Waxaan aqbalay inaan ilaaliyo una hogaansamo xeerarka ku qoran warqadaan.